Wabiga Shabelle oo fatahaad horleh ka sameeyey magaalada Jowhar

0

Qeybo ka mid ah Tuulooyinka hoosyimaada magaalada Jowhar ee caasimadda Maamulka Hirshabeelle, wax kasocda qul qulka dadka ka barkacay Fatahaad uu sameeyayWabiga shabeelle Sexdii cishe ee la soo dhaafay.

Wabiga Shabeelle ayaa ku fatahay Tuulooyin ay ka mid yahiin  Baarey iyo Moyko, oo hoos yimaado magaalada Jowhar,  sidookale Biyaha fatahaada ayaa gooyay dhul beereed ay ku beernaayeen  dalagyo kala duwan, inkastoo wasaaradda Beeraha Hirshabeelle aanay wali tirakoob rasmi ah ku sameeynin dhulbeereedkan ay Biyaha goyeen.

Fatahaadda uu sameeyay Wabiga Shabeelle ayaa Sidokale xayirtay isu socodka Gawaarida isaga kala gooshta wadada u dhaxeysa magaalooyinka Jowhar iyo Balcad, sidookale waxa go’an wadada xariiriso magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeellaha dhexe iyo garoonka diyaaradaha ee Maxamed Dheere.

Qiimaha maaciishada ayaa magaalada Jowhar laga dareemayaa sare u kac maadaama ay yaradeen gaadiidka xamuulka ah ee soo gali jiray magaalada.

Maaamulka Hirshabelle ayaa ku hawlan sidii ay u xiri lahayeen goobaha uu fatahadda ka sameeyay wabiga, waxaana lafilayaa  in maalmaha soo  socda lagu guuleysto xiritaanka goobaha uu wabiga ka fatahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here