Degmada Dayniile oo u gudubtay wareega ugu dambeeya ee tartanka Shabelle

0

Waxaa xalay tartan aqooneedka faca weyn ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle ku loolamay degmooyinka Dayniile iyo Warsheekh oo ka kala tirsan gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose, iyaga oo soo bandhigay tartan xiiso badan.

Labada degmo ayaa aad ugu hardamay barnaamijka, hayeeshee waxa ay guushu raacday tartamayaasha Dayniile oo u gudbay wareeega finalka tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle.

Warsheekh oo laga adkaaday ayaa heshay 12 dhibcood, halka Dayniile oo finalka tegtay ay keensatay 14 buundo, sida uu ku dhowaaqay natiijada Cali Cumar Cabdalla oo ka mid ah guddiga tartan aqooneedka Shabelle.

Sidoo kale waxaa caawa tartanka ku ballansan deegaanka Bargaan iyo degmada Dayniile, kuwaas oo ku baratami doono wareega ugu dambeeya guud ahaan tartanka ama Finalka.

Sanadkan waxaa tartan aqooneedka Shabelle taaba-gelineysa shirkadda isgaarsiinta Somtel oo ka mid ah shirkadaha waa weyn ee ka howl-gala dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here