Madaxweynaha Galmudug oo weli kulamo ka wada magaalada Muqisho + Sawirro

0

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xaniifa Maxamed Ibraahim oo ay wehliyaan Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Xiis Xasan Aadan, Xildhibaanno ka tirsan Labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha bulshada ee Maamulka gobolka Banaadir Basmo Caamir Jakeeti, Guddoomiyaha Ururka Haweenka gobolka Jawaahir Baarqab iyo qaar ka mid ururada bulshada rayidka ayaa caawa la kulmay Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor, ayagoo kala hadlay xaqiijinta qoonddada haweenka 30% iyo sidii Galmudug doorashada soo socota haweenka ugu garab istaagi laheyd.

Madaxweynaha Galmudug ayaa soo dhoweeyay dadaallada ay hormuudka tahay Wasiir Xaniifa oo la doonayo in lagu adkeeyo, isla markaana lagu xaqiijinayo doorka haweenka Soomaaliyeed ku yeelanayaan doorashada loo madlan yahay.

Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xaniifa Maxamed Ibraahim ayaa ku howlan sidii loo ilaalin lahaa saamiga haweenka Soomaaliyeed ku yeelanayaan goleyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulankan wuxuu ka mid yahay barnaamijka u ololeynta qoondada haweenka 30% ee doorashooyinka dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here