Al-Shabaab oo weerar khasaare geystay ka fuliyey dalka Kenya

0

Dagaalyahanno hubeysan oo  ka tirsan Al-Shabaab, ayaa saacadihii lasoo dhaafay weerar ka fuliyay magaalada Wajeer ee Waqooyi Bari, Kenya.

Weerarka ayaa waxaa lala beegsaday guriga sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Kenya, sida laga soo xigtay warbaahinta maxalliga ah ee dalkaasi.

Sarkaalka ayaa la sheegay in xilliga uu weerarku dhacay uu guriga ka maqnaa, waxaase ku dhintay wiil uu dhalay oo halkaas joogay.

Sidoo kale sarkaalkaas oo lagu magacaabo Nuur Jibriil ayaa tilmaamay inay baxsadeen raggii ka dambeeyay weerarii dhacay, ayna ku raad joogaan xubnaha hubeysan.

Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraro khasaare geysta ka fuliyaha gudaha dalka Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari oo xud la leh Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here