Maxay ka wada-hadleen R/wasaaraha Soomaaliya iyo musharixiinta?

0

Ra’iisul Wasaaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la yeeshay xubnaha Midowga Musharraxiinta oo ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin:-

Dardar gelinta howlaha doorashooyinka iyo in doorashadu noqoto mid hufan, daahfuran oo waqtigeeda ku dhacda

Rooble ayaa sidoo kale Midowga Murasharaxiinta la wadaagay talooyin ku aaddan turxaanbixinta iyo kala caddeynta qodobbada qaar ee ku xusan habraacii arrimaha doorashooyinka ee Golaha Wadatashiga Qaranku soo saareen 24-kii bishan.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha iyo Midowga Musharraxiinta ayaa isla gartay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo bilaabista wajiga labaad ee doorashada Golaha Shacabka ee BFS, si dhowna looga wada shaqeeyo arimaha u baahan kala cadeeynta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here