DF Soomaaliya oo shaacisay in dad loo soo qabtay dilka guddoomiyihii Xamarjajab

0

Taliska ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey dilkii xalay duleedka Muqdisho loogu geystay guddoomiyihii degmada Xamarjajab Marxuum Maxamed Cabdi Xayle.

Qoraal ka soo baxay taliska Booliska ayaa waxaa lagu sheegay in gacanta lagu soo dhigay dad lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen dilka guddoomiyaha.

Sidoo kale warkana ayaa waxaa lagu xusay in haatan ay socota baaris lagu hayo eedeysanayaasha la soo qabtay oo la rumeysanyahay in ay ku lug lahaayeen falkaasi.

“Xalay fiidkii ayaa Sar-kuus duleedka Muqdisho lagu dilay Maxamed Cabdi Xayle           (Guddoomiyihii Degmada Xamar Jajab) ee Gobolka Banaadir. Ma aynaan cadeyn qaabka loo dilay guddoomiyaha, waxaa loo hayaa eedeysanayaal la rumeysanyahay in ay ku lug lahaayeen falkaas, baaristiisana waa socotaa,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee taliska Booliska Soomaaliya.

Dilkan ayaa qeyb ka noqonayo falal ammaan dari oo maalmahan siyaabo kala duwan uga dhacayey qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here