Maxkamadda ciidamada oo xukuntay ajaaniib ka tirsan Al-Shabaab

0

MUQDISHO (SMN) – Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa xukun ku riday xubno ajaanib ah oo ka tirsan Al-shabaab, labada nin ee la xukumay oo u kala dhashay dalalka ingiriiska iyo Malaysia, Darren Anthony Byrness iyo Axmed Mustaqiim Bin Cabdal Xamiid ayaa Soomaliya yimid sanadihii 2009 iyo 2010 si ay xoog iyo xeelad ba ugu biiriyaan Kooxda Argagixisadda ah ee Al-shabaab.

Darren Anthony Byrness,wuxuu qayb ka ahaa Weerar Al-shabaab qorsheeyeen inay ka fuliyaan dalka Faransiiska isagoo qorshaha qaybta uu ku lahaa ay ahayd inuu kireeyo guriga ay degayaan kooxda weerarka fulinaysaa, Anthony Byrness ayaa heya’addaha Amniga u sheegay in kooxda Al-shabaab guryo qarsoodi ah ku leeyihiin dalalka kala ah Kenya,Burundi, Senegal,Uganda iyo dalal kale oo ku yaal galbeedka iyo bartamaha Afrika, Anthony Byrness wuxuu sidoo kale Al-shabaab ka caawin jiray sugista xoggaha kooxda ee guddaha iyo dibedda isagoo ka caawin jiray Barnaamujyadda xogta lagu ilaaliyo ee “Software”, wuxuu sidoo kale ka qayb qaatay Dagaaladii ka dhacay Muqdisho,Galgaduud,Gedo iyo Shabeelooyinka.

Axmed Mustaqiim Bin Cabdal Xamiid waxa uu dhankiisa ka caawin jiray Argagixisadda Adeega Gurmadka deg dega ah,wuxuu ka qayb galay dagaallo Muqdisho iyo Dhuusamareeb ka dhacay.

Axmed Mustaqiim iyo Darren Anthony 18-kii bishii April 2019 ayey u gacan galeen maamulka Punland iyadoo dhowr  bil ka dib labada Ajaanibta ah loo soo gacan geliyey dowladda dhexe Soomaaliya,fadhiyo kala duwan ka dib Maxkamadda Ciidamada ayaa xukun ka soo saartay maanta iyadoo Axmed Mustaqiim iyo Darren Anthony Maxkamaddu ku kala xukuntay midkiiba 15 sano oo xabsi Ciidan ah,sida uu ku dhawaaqay gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuuto Gudoomiyaha Maxkamadda darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka Sida.

Xukunsanayaasha ayaa haysta fursad ay ku dalban karaan rafcaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here