MUQDISHO – Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku muujisay sida ay uga xun tahay duruufihii sababay in garsooraha Soomaaliyeed ee caalamiga ah, Cumar Cartan, uu ka baaqdo ka qeybgalka tartanka kubadda cagta ee caalamiga ah ee ka socda dalalka Mareykanka, Canada iyo Mexico.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaallo diblomaasiyadeed oo ballaaran sameysay kadib markii la ogaaday in Garsoore Cumar Cartan uu la kulmay caqabado la xiriira ogolaanshaha gelitaanka dalka Mareykanka, taasoo ugu dambeyn keentay inuu ka maqnaado tartanka.
Wasaaraddu waxay sheegtay inay arrintan kala shaqeysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, iyo sidoo kale Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo wada-hadallo iyo xiriirro diblomaasiyadeed lala yeeshay Dowladda Mareykanka iyo xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA si xal loogu helo xaaladda garsooraha.
Si kastaba ha ahaatee, war-saxaafadeedka ayaa xusay in inkastoo dadaallo xooggan la sameeyay aysan suuragelin in xal laga gaaro arrintaasi waqtigii loogu talagalay, taasoo sababtay in Garsoore Cartan uu ka maqnaado guud ahaanba tartanka Koobka aduunka.
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ayaa ku tilmaantay Cumar Cartan mid ka mid ah tusaalooyinka ugu wanaagsan ee muujinaya kartida, dadaalka iyo adkeysiga dhallinyarada Soomaaliyeed, iyadoo xustay in guulihiisa caalamiga ah ay sharaf iyo sumcad u yihiin Soomaaliya.
Wasaaraddu waxay sidoo kale xaqiijisay inay sii wadi doonto taageerada ay siiso Garsoore Cumar Cartan iyo guud ahaan horumarinta xirfadlayaasha Soomaaliyeed ee ka shaqeeya bahda isboortiga, si ay uga faa’iideystaan fursadaha caalamiga ah ee mustaqbalka.





