A/Madoobe oo hambalyada munaasabada Ciidda Carafo u diray Ummadda Soomaaliyeed

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa guud ahaan shacabka reer Jubbaland, Ummada Soomaaliyeey iyo Muslimiinta Caalamka ugu hambalyeeyay maalmaha barakaysan ee munaasabadda ciidda carafo.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa tilmaamay in maalmahan barakaysan ay ku weyn yihiin Bulshada islaamka isla markana gudashada waajibkaadka xajka ee sanad walba maanta oo kale loo dareeri jiray uu sanadkan saamayn ku leeyahay xanuunka COVID-19.

“Maalmahan barakaysan waa maalmo ku astaysan khayrka iyo cibaadada, iyadoo dadka Muslimiinta ah ay ku jiraan gudashada waajibaadka Xajka, inkastoo sannadkan uu saamayn ku yeeshay dadweyne kala duwan oo tagi lahaa xajka xanuunka COVID-19 oo wali caalamka ka jira” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in la garab istaago Shacabka Soomaaliyeed ee tabaalaysan isla markana farxada maalmahan barakaysan lala qeybsado.

“Waxaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in maalmahan barakaysan aan uga faa’iidaysano caawinta dadkeena taagta daran iyo kuwa aan awoodin inay sidii la rabay ugu dabaal dagaan maalmahan barakaysan” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here