Aabe dilay gabadhiisa oo 6 bil jir aheyd kadib markii uu ka maseeray hooyadeed

0

MUQDISHO (SMN) – Dhacdadan argagaxa leh ayaa saacadihii la soo dhaafay ka dhacday xaafadda Badbaado ee degmada Dharkenley, kadib markii uu Aabe Abuukar Xuseen si arxan darro ah u dilay gabadhiisa oo 6 bil jir aheyd.

Shabelle oo booqatay guriga qoyskan ayaa la hadashay qaar ka mid ehellada, waxayna sheegeen in gabadha yar uu Aabaheed dilay markii uu ka hinaasay Hooyadeed.

Aniso Maxamed Cabdi oo ay walaalo yihiin gabadha yar ee geeriyootay ayaa sheegtay in jirdil xoogan loo geystay gabadha, isla-markaana ay geeriyootay.

“Walaashey oo kor loo qaaday oo dhulka lagu deeyay oo bir madaxa looga garaacayo ayaan guriga soo galay. Saqiir ayey aheyd 6 bilood ayey jirtay waxba ma galabsanin qof ay wax ka haleysana ma lahan, walaashey xaqeeda in loo soo dhiciyo ayaan rabaa” ayey tiri Aniso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here