Aabe Ibraahim Cabdullaahi “Ciyaal weero ayaa wiilkeyga mindi ku dishay”

0

MUQDISHO (SMN) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil loo adeegsaday mindi oo ay xalay kooxo ciyaal weero ah ka geysteen gudaha degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Dilka oo loo geystay Marxuum Ciise Ibraahim Cabdullaahi oo ahaa wiil dhalinyaro ah ayaa ka dhacay xaafadda Suuq Liif ee degmadaasi.

Aabaha wiilka yar ee la dilay oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyey, sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay in wiilkiisa lagu dhuftay illaa saddex toorey oo uu u dhintay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here