Aadan Madoobe oo farriin u diray xildhibaanada ka maqan kulamada BF

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta farriin adag u diray xildhibaanada ka maqan fadhiyada golaha, kadib markii uu maanta kooram la’aan u baaqday kulankooda.

Sheekh Aadan ayaa sheegay in tallaabo adag laga qaado doono xildhibaanada ka maqan kulamada Baarlamaanka, si loogula xisaabtamo shaqada.

“Xildhibaanada waxaan u sheegayaa inay ka waantoobaan inay ka maqnaadaan shaqada. Ma’aha in sharciga lagu ciyaaro, waxaana dirayaa farriintii u dambeysay,” ayuu yiri.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ahaa in xildhibaanada loo qaybiyo hindise sharciyeedka Hay’adda NISA, kaas oo Khamiistii lasoo dhaafay ay meel mariyeen Golaha Wasiirada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here