Aadan Madoobe oo isbedal ku sameeyay guddigii uu K/Galbeed u magacaabay

0

MUQDISHO (SMN) – Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa isbeddal ku sameeyay xubnaha guddiga farsamada ee shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed, kadib cabasho ka timid siyaasiyiinta mucaaradka ee maamulkaasi.

Guddoomiyaha ayaa beddalay laba xubnood oo ka mid ahaa guddiga, wuxuuna kusoo beddalay laba xubnood oo kale oo lagu magacaabay warqad uu maanta soo saaray.

“Wuxuu go’aamiyay guddoomiyuhu in wax ka beddal lagu sameeyo xubno kamid ahaa guddiga farsamada arrimaha dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddigan ayaa si gaar ah uga shaqeyn doono qaban-qaabada iyo diyaarinta shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo maalmaha soo socdo ka dhici doono magaalada Baydhabo.

Koonfur Galbeed ayaa waxaa haatan ka taagan xaalad siyaasadeed oo cakiran, taas oo ka dhalatay muranka hareeyay doorashada kusoo foodka leh maamulkaasi.

Si kastaba, dhowaan ayey aheyd markii gacan ka hadal ka dhashay murankan uu sababay dagaal ka dhacay magaalada Baydhabo, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here