Sheekh Aadan Madoobe oo la kulmay guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta

0

RIYADH (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ku sugan Boqortooyada Dalka Sacuudiga ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Adel bin Abdul Rahman Al Asoomi,waxayna ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya Baarlamaanka Carabta iyo Golaha Shacabka ee BJFS..

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa dhigiisa Baarlamaanka Carabta kala hadlay kaalinta Dalalka carabta iyo hay’adaha deeqaha caalamiga ah ee ku aadan samata bixinta dadka Soomaaliyeed ee ay abaaraha Dalka ka jira saameeyeen.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Adel bin Abdulrahman Al-Assumi ayaa dhankiisa sheegay in dalalka Carabta ay diyaar u yihiin in ay gacan ka geystaan ​​sidii Shacabka Soomaaliyeed looga taageeri lahaa abaaraha ka jira deegaanada Soomaaliyeed oo sanadkii saddexaad xiriir ah abaaro daba dheeraadey ay jiraan.

Guddoomiyaha Barlaamanka Carabta ayaa sidoo kale soo hadal qaaday mowqifka adag ee Baarlamaanka Carabta ee ku aaddan in Soomaaliya ay si buuxda ugu garab istaagaan marxaladaha xasaasiga ah ee ay ku jirto oo ay ka mid yihiin ka hortagga abaaraha soo noq noqday, dadaallada dib loogu yagleelayo amniga iyo xasiloonida iyo dib u soo kabashada dhaqaalaha dalka, si uu uga gudbo caqabadaha dhan walba leh.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa uga mahadceliyay garab istaagooda shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here