Abaabulka dibad-bax ballaaran oo ka socdo magaalada Muqdisho + Ujeedka

0

MUQDISHO (SMN) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in maalinta Khamiista ah uu magaalada Muqdisho ka dhici doono dibad-bax ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Qaban-qaabadii ugu dambeysa ee ku aadan banaan-baxan ayaa haatan ka socda qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir oo laga dareemayo abaabul xoogan.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dibad-baxaan oo billow u ah kacdoonka shacabka Muqdisho, kaas oo lagu taageerayo howlgallada ka socdo dalka.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in shacabka ay cabiri doonaan dareenkooda, wuxuuna xusay in ujeedka uu yahay in la garab istaago ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka.

Maalmihii u dambeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ayaa sii kordhiyay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo ay guullo ka sheegatay dowladda dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here