Abwaan Geesi oo goordhow ku geeriyooday magaalada Nairobi

0

NAIROBI (SMN) – Allaha u naxariistee waxaa goordhow magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday Abwaan Cumar Cabdiwaaxid Aadan oo loo yaqaanay (Abwaan Geesi).

Abwaan Geesi oo muddo toddobaad ah ku jiray isbitaal, ayaa u geeriyooday xanuun dhanka caloosha ah oo uu in muddo ah la xanuunsanaa, sida  uu xaqiijiyay Abwaan Cabdishukri Maxamed oo ay marxuumka qaraabo ahaayeen isla markaana ay isla shaqeyn jireen.

Abwaan Geesi ayaa ahaa Abwaan iyo jilaa aad loogu yaqaanno ruwaayadaha. Muddooyinkii ugu dambeeyay wuxuu ku noolaa qeybo ka mid ah Soomaaliya, labadii bilood ee ugu dambeysay ayuuna ku soo laabtay Nairobi oo hore uu ugu noolaa.

Allaha u naxariistee wuxuu marxuumka dunida uga tegay afar carruur ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here