Agaasimaha Madaxtooyada oo la kulmay howl-wadeenada Villa Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise (Maxamed Dheere) oo kulan la qaatay Agaasimeyaasha Waaxyaha Madaxtooyada ayaa uga mahad-celiyey soo dhaweynta diirran iyo sida ay ugu taagan yihiin gudashada waajibaadka Qaran.

Agaasimaha ayaa soo bandhigay howlaha hortebinta u leh xilligan, isaga oo xusay in uu mudnaan siin doono xoojinta wadashaqeynta hay’adaha dowladda iyo Madaxtooyada, hirgelinta qorsheyaasha Qaranka, xoojinta dowladnimada, maamul wanaagga iyo awoodsiinta dhallinyarada.

Agaasime Maxamed Cabdullaahi Ciise ayaa tilmaamay in looga baahan yahay Agaasimeyaasha iyo Howl-wadeennada Madaxtooyada in ay hormuud u noqdaan fulinta baaqii Madaxweynaha ee gurmadka abaaraha dalka, maadaama ay tusaale u yihiin shaqaale weynaha Soomaaliyeed.

Dhankooda, Agaasimeyaasha Waaxyaha Madaxtooyada ayaa la wadaagay Agaasimaha Cusub Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise (Maxamed Dheere) guulaha wax-ku-oolka ah ee la xaqiijiyey muddadii la soo dhaafay, caqabadaha jiro iyo qorsheyaasha u baahan wax ka qabashada deg-degga ah ee horyaalla Agaasimaha iyo guud ahaan howl-wadeennada Madaxtooyada.

D

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here