Agaasime wasaaradeed iyo shaqaale oo xalay lagu afduubtay Caabudwaaq

0

CAABUQWAAQ (SMN )- Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ee bartamaha waddanka Soomaaliya ayaa sheegaya xalay maleeshiyaad hubeysan ay afduub ka geysteen degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolkaasi.

Afduubka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo geystay agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug iyo shaqaale ka tirsan wasaaraddaasi.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaadka kaxeystay mas’uulkaas iyo shaqaalaha la socday ay tabasho ka yihiin qaabka ay wasaaradda u wado dhismaha golaha deegaanka ee degmada Caabudwaaq.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sidoo kale innoo sheegay in maleeshiyaadka afduubka geystay ay raggaasi la aadeen dhanka Bari ee degmadaasi.

Arrintaan ayaa waxaa ka dhashay walaac, waxaana socdo dadaallo ay wadaan waxgaradka iyo Galmudug oo lagu doonayo in lagu soo daayo mas’uulkaas iyo shaqaalaha la socdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here