Al-Cadaala oo shaaciyey in howlgal lagu dilay 100 ka tirsanaa Al-Shabaab

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa ka warbixiyey howlgal culus oo xalay ka dhacay deegaanka Ceeldheere oo ku yaalla xadka kala qaybiya gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Howlgalka oo ay fuliyeen ciidamada NISA, kuwa deegaanka iyo saaxibada caalamiga ah ayuu sheegay in lagu bartilmaameedsaday goob ay isku uruursanayeen Al-Shabaab.

Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa sheegay in howlgalkaas lagu dilay illaa 100 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku jiraan saraakiil,  sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamada huwanta la wareegeen gacan ku heynta deegaankaasi oo ah mid muhiim ah isku xirka gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhex.

Dhinaca kale wuxuu faahfaahin ka bixiyey howlgal kale oo ka dhacay deegaanka Buulo Madiino oo ka tirsan Shabeelaha Hoose, isaga oo sheegay in lagu dilay 64 xubnood.

Halkan hoose ka daawo:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here