Al-Shabaab iyo ciidamada ATMIS oo ku dagaalamay gobolka Shabeelaha Hoose

0

GOLWEYN (SMN) – Dagaal u dhexeeyey Al-Shabaab iyo ciidamada Uganda ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS ayaa maanta ka dhacay deegaanka Golweyn oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka wuxuu yimid, kadib markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada Uganda ay ku leeyihiin halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dhankooda ciidamada ATMIS, ex AMISOM ay ku jawaabeen madaafiic, kadibna uu xigay dagaal toos ah.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan iyo weerarka ka horreeyey, balse xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here