Ciidamada Kenya & Al-Shabaab oo ku dagaalamay degmada Ceelwaaq

0

CEELWAAQ (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay dagaal u dhexeeyey ciidamada Kenya iyo Al-Shabaab uu ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Ceelwaaq oo ka tirsan gobolkaas oo hoostaga Jubbaland.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu ku billowday weerar madaafiic ah oo dagalyahanada Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda Kenya ay ku leeyihiin gudaha degmadaasi, waxaana xigay dagaal toos ah oo dhex-maray labada dhinac.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey, waxaana la sheegay in madaafiicda qaar ay ku dhaceen gudaha saldhigga.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamada Kenya iyo kuwa Xoogga dalka ay howl-gal ka sameeyeen duleedka degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here