Al-Shabaab iyo Daacish oo ku dagaalamay buuraleyda gobolka Bari

0

BOOSAASO (SMN) – Wararka ka imaanayo gobolka Bari ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay dagaal u dhexeeyey Al-Shabaab iyo Daacish uu ka dhacay gobolka Bari ee Puntland, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Dagaalka ayaa ka qarxay buuraha Cal-miskaad ee gobolkaasi, kadi gadaal markii ay isku dhaceen xoogaga kala taabacsan labada dhinac.

Wararka ayaa sheegay inay weerarka ka qaadeen dagaalyahanada Daacish, kadib markii ay ka war heleen in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay sahan ku tegeen halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana dadka deegaanka ay soo warinayaan in weli labada dhinac ay dhaq-dhaqaaqyo culus ka wadaan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here