Ciidamada dowladda oo ka soo baxay Wabxo iyo Shabaab oo dib ula wareegtay

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka Al-Shabaab ay dib ula wareegtay deegaanka Wabxo ee gobolkaasi, kadib markii ay dib uga soo baxeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in saaka aroortii hore dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku arkeen deegaanka, iyaga oo ka wada dhaq-dhaqaaqyo culus.

Maalmo kahor ayey aheyd markii ciidamada huwanta ay gudaha u galeen Wabxo oo ka mid ah deegaanada muhiimka u ah Al-Shabaab oo weli ku sugan qaybo ka mid ah Galgaduud.

Dhanka kale G/le Ismaaciil Cabdimaalik oo ah taliyihii hore ee Danab, islamarkaana qayb ka ah howlgalka ayaa Shabelle u sheegay in amarka dib looga soo baxay deegaankaas uu bixiyey taliyaha ciidamada Xoogga dalka, isaga oo sheegay in fursad la siinayo Al-Shabaab.

“Waxaan isaga soo baxnay Wabxo iyo deegaanada hoosyimaada kadib markii Ciidamada dowladda lagu amray in ay soo faarujiyaan dhammaan furimaha dagaalka’’ ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in uusan garaneyn sababta ciidanka looga soo saaray halkaasi, balse uu jiro qalad weyn oo ka jira dhanka taliska ciidanka Xoogga dalka.

Halkan hoose ka dhageyso wareysiga:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here