Al-Shabaab oo dib ula wareegtay deegaano ku yaalla gobolka Mudug

0

Kadib markii ay dib uga soo baxeen ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya, xoogaga Al-Shabaab ayaa dib u qabsaday deegaanada Bacaadweyne iyo Camaara oo ku yaalla koonfurta gobolka Mudug.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyey in Al-Shabaab ay gudaha deegaanadan lasoo galeen dagaalyahano aad u hubeysan.

Dhinaca kale saraakiil ka tirsan ciidamada Soomaaliya oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan qabsashada deegaanada Bacaadweyne iyo Camaara.

Talaadadii ayey aheyd markii ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedka Galmudug ay dib u qabsadeen magaalada Camaara ee Gobolka Mudug, halkaasi oo muddo kooban ay haysteen xoogaga Al-Shabaab.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here