Al-Shabaab oo goob fagaare ah ku toogtay lix qof + Sababta

0

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegtay,in ay Axaddii shalay degmada Saakow ee Gobolka Jubada dhexe ku toogtay lix ruux oo ku eedaysnaa basaasnimo.

War ka soo baxay Al-Shabaab, ayaa lagu sheegay in lixdaas ruux dhammaantood ahaayeen jawaasiis u shaqeeya hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee CIA-da.

Sida laga soo xigtay Al-Shabaab, dadka la toogtay waa shan rag ah iyo qof dumar ah oo dhammaantood bixiyay macluumaad sirdoon oo ku saabsan Al-shabaab.

Halkan hoose ka aqriso magacyada:-

1_ Cumar Cabdi Qaadir Hiiraale (36) jir ah

2_ Cabdi Xassan Axmed oo (29) jir ah

3_ Fartuun Cumar Abkow (36) jir ah

4_ Ibraahim Cumar Cali (55) jir ah

5_ Saaddaam Cismaan Maxamed (21) jir ah

6_ Aweys Xassan Xaaji Maxamed oo da’diisu tahay (36) jir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here