Al-Shabaab oo ‘gubay guryo ku yaalla’ tuulooyin ka tirsan gobolka Galgaduud

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Wararka laga helayo deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay xalay gubeen guryo dad shacab ah daganayeen oo ku yaala tuulooyin dhowr ah oo hoostaga deegaanka Baxdo.

Tuulooyinka Al-Shabaab ay gubeen ayaa kala ah Biyo deys iyo meegaag duub oo qiyaas ahaan Baxdo u jira ilaa ugu badnaan 20KM, waxaana dad goobjoogayaal ah  warbaahinta u sheegeen in ragga ka tirsanaa Al-Shabaab ee guryaha gubay ay dib ugu laabteen meelahii ay kasoo tageen markoodii hore, iyadoo dadkii deganaa guryaha la gubay ay yihiin kuwo banaan cidlo ah jiifa oo ay soo wajahday xaalad hoyi la’aaneed.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Maanta Tuulooyinka guryaha laga gubay iyo degaano kale oo ku dhadhaw ayaa sheegaya iney socdaan abaabulo xoogan oo ay wadaan dadka degaannadaas oo is hubeeynaya si ay ula dagaalamaan Al-Shabaabka ka gubay guryahoodii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here