Al-Shabaab oo gubtay ceelasha deegaano ka tirsan maamulka Galmudug

0

BAXDO (SMN) – Dagaalayahanada Al-Shabaab ayaa xalay qarxiyey matoorada ceelasha biyaha, baraago iyo xarumaha isgaartiinta magaalooyinka Maarsamage iyo Cadokibir oo hoostaga degmada Baxdo ee gobolka Galguduud.

Sida ay xaqiijiyeen ilo wareediyo ku sugan deegaanka ma jiro khasaare nafeed oo ka dhashay weerarka ay xoogaga Al-shabab xalay ku qaadeed deegaannadaasi.

Deegaannadaan oo markii horeba ay ka jirtay biyo la’aan la xiriirta ceelasha oo ku yar iyo baaxadda abaaraha ayaa hada wajahaya dhibaato dhinaca biyaha ah.

Dhowaan ayey aheyd markii degmada Baxdo Al-Shabaab looga dilay ugu yaraan illaa 100 xubnood, kadib dagaal culus oo ay la galeen dadka deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here