Al-Shabaab oo hanjabaad culus u dirtay Kenya, kadib doorashadii dalkaasi

0

NAIROBI (SMN) – Xarakada Al-Shabaab ayaa bayaan ay soo saartay hanjabaad culus ugu dirtay dowladda Kenya, kadib doorashadii adkeyd ee dhowaan ka dhacday gudaha dalkaasi.

Al-Shabaab ayaa farriin u dirtay madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto, waxayna tilmaamtay,haddii wax ka bedeli waayo siyaasadda arrimaha dibadda Kenya, gaar ahaan howlgallada mitari ee Soomaaliya inay beegsan doonto xarumaha waa weyn ee dalkaasi.

“Doorasho si adag loogu loollamay oo wadanka ka dhacday kadib, Kenya waxay maanta taagan tahay dariiq kalabeyr ah xilli ay Kenyaatigu isku diyaarinayaan in ay xafiiska keensadaan madaxweyne cusub, waxay markale heystaan fursad ay ku muraajaceyn karaan go’aannada siyaasadooda arrimaha dibadda iyo raadadka ka dhalanaya go’aanadaas oo uu ugu horreeyo duullaanka sharci darada ah ee ay kusoo qaadeen Soomaaliya” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ka soo baxay Al-Shabaab ee looga hadlay isbedelka Kenya.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa ugu hanjabtay dowladda cusub ee Kenya, haddii ciidamada ka jooga Soomaaliya la bixi weyso in la kulmi doonto cawaaqib xumo horleh iyo weeraro culus.

“Muddo 11 sano ah ayaa laga joogaa markii ay Kenya duullaanka kusoo qaaday Soomaaliya, ilaa maantadana Kenya kuma guuleysan wax uun ka mid ah ahdaaftii aasaasiga ahayd ee duullaanka, ciidamada military Kenya waxay ku go’doonsan yihiin saldhigyadooda, kama soo baxaan godadka ay gabbadaan xabadda Mujaahidiinta, mana awoodaan inay qaadaan weerar ka dhan ah Mujaahidiinta, halka dhanka kale, Mujaahidiintu ay sii laba jibbaareen weeraradooda aargoosiga ah ee ka dhacaya gudaha Kenya, ayna fuliyeen boqolaal weeraro abaabulan ah oo lagu beegsaday ciidanka Kenya iyo xarumahooda” ayaa markale lagu yiri bayaanka.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro khasaare geysta ka fulisa gudaha dalka Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari oo xuduud dheer la leh Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here