Al-Shabaab oo isaga baxay deegaanka Booco iyo ciidamada DF oo la wareegay

0

BELEDWEYNE (SMN) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta la wareegay gacan ku heynta deegaanka Booco oo dhacay dhanka koonfureed ee magaalada Beldweyne, sida ay xaqiijiyeem mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya in xoogaga Al-Shabaab ay isaga baxeen deegaankaas oo ay maamulayeen muddo 13 sano ah, waxaana maanta gudaha u galay ciidanka dowladda.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana saraakiisha milatariga Soomaaliya ay shaaciyeen inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Gobolka Hiiraan oo dhaca bartamaha Soomaaliya aya waxaa ka socdo guluf dagaal iyo howlgallo ay iska kaashanayaan ciidanka dowladda iyo maleeshiyaada Macawiisleyda.

Halkan hoose ka daawo:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here