Al-Shabaab oo isaga baxday degmada Xarardheere iyo wararkii ugu dambeeyay

0

XARARDHEERE (SMN) – Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa waxaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay ay isaga baxeen degmada Xarardheere oo ka tirsan gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay faarujiyeen saldhigyadii ay ku lahaayeen magaalada Xarardheere, ayna gaareen deegaano duleedka ka ah degmadaasi.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa horey u kaxeysay in badan oo ka mid ah shacabka deegaanka, ayaga oo la aaday deegaanada hoos yimaada magaaladaas oo dhanka xeebta ku taalla.

Arrintaan aya timid, kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabeen koonfurta gobolka Mudug kuwaas oo haatan ku dhow Xarardheere.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada huwanta ayaa magaalooyin horleh ka qabsaday Al-Shabaab, kadib kacdoon ka billowday qaar ka mid ah gobollada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here