Shabaab oo lagala wareegay deegaano ku yaallo Galgaduud iyo Mudug + Sawirro

0

BAXDO (SMN) – Wararka naga soo gaaraya Galmudug ayaa sheegaya in maanta oo Jimco ah ciidamada la magac baxay xoreynta deegaanka ay howlgallo kula wareegeen deegaano ka kala tirsan gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Howlgalladan ayaa waxaa horkacayey culimada ku dhaqan magaalada Baxdo, ayada oo deegaano horlehna ay ku gaareen ciidamada deegaanka.

Mid kamid ah saraakiisha horkaceysay howlgalladaas ayaa shaaca ka qaaday inay si nabdoon kula wareegeen degaanada Seego, Xinlabi, Baraag Ciise, Holdooyaale ee Gobolka  Mudug iyo Qalaanqal, Galxaagare oo ka tirsan Galgaduud.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo ka mid ah deegaanada dowlad goboleedka Galmudug.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa gobollada dhexe ee dalka laga dareemayay guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo uu ujeedkiisu yahay sidii looga saari lahaa gobolladaasi oo hoostaga maamulka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here