Al-Shabaab oo la wareegay deegaan hoostaga magaalada Guriceel

0

Wararka ka imaanaya magaalada Gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in Al-shabaab la wareegtay tuulo kaabiga ku haysa magaalada Guriceel ee Gobolkaasi.

Dabley hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab, ayaa la xaqiijiyay in ay saaka aroortii gudaha u galeen tuulada Af-Cagaag oo qiyaastii 16-km u jirta magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Dadka degaanka ayaa laga soo xigtay in Al-shabaab ay dagaal la’aan ku wareegtay tuulada Af-cagaag, kadib markii ciidamada Galmudug ay halkaas isaga baxeen, ka hor inta aysan Shabaab qabsan.

Sidoo kale, Al-shabaab ayaa todobaad ka hor qabsaday tuulada Dabarre oo 30km u jirta Guriceel.

Maamulka Galmudug ayaan dhankiisa wax war ah ka soo saarin dhaqdhaaqyada Al-shabaab ka waddo Gobolkaas Galgaduud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here