Al-Shabaab oo laba qof ku dishay weerar ay ka fulisay dalka Kenya

0

NAIROBI (SMN) – Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuiyadda weerar ka dhacay gobolka xeebta ah ee Lamu, waxayna shaacisay inay weerarkaasi ku dishay laba qof.

Sida laga soo xigtay warbaahinta Al-Shabaab, weerarku waxa uu ka dhacay Wito iyo Salaama.

Booliiska Kenya ayaan weli ka hadlin weerarkan u dambeeyey ee ka dhacay gobolka Lamu xalay. Hase yeeshee booliiska Kenya waxay ka hadleen weerar ka dhacay Lamu Jimcihii oo ay ku dhinteen afar ka tirsan ciidamada booliiska sida ay qoreen wargaysyada The Star iyo The Standard.

Booliisku waxay qireen in baabur uu leeyahay ciidanka booliiska oo ilaalo ku jiray lagu qaaday weerar gaadmo ah. Warbaahinta Kenya waxay tebiyeen in baabuurkaas lala helay baasuuke.

Weerarrada ka dhacay gudaha dalka Kenya ee loo tirinayo Al-Shabab ayaa sannadkan gudihiisa gaaraya afar weerar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here