Al-Shabaab oo labo ruux ku toogtay degmada Jamaame + magacyada

0

KISMAAYO (SMN) – Wararka ka imaanaya degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Al-shabaab ay shalay gelinkii dambe meel fagaare ah ku toogatay 2 qof.

Fagaaraha lagu toogtay raggaas ayaa waxaa ku sugnaa xubno sar-sare oo ka tirsan Al-Shabaab iyo dadweyne kala duwan oo la’isugu yeeray halkaasi.

Labada nin ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Cabdullaahi Xasan Cumar oo ahaa 59 jir iyo Maxamed Mowliid Aadan oo isna ahaa 48 sano jir.

Cabdullaahi ayaa Al-Shabaab ku eedeysay inuu ahaa Sixiroole, halka Maxamed isna lagu eedeeyey inuu ka tirsanaa ciidanka Jubaland ee ka howlgala degaanka Cabdalle Biroole.

Al-Shabaab ayaa xukuno u badan dilal toogasho ah ka fuliso deegaanada ay ka arrimiso ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here