Al-Shabaab oo lagu eedeeyay inay dad shacab ah ka afduubatay gobolka Hiiraan

0

BELEDWEYNE (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta xoogaga Al-Shabaab ay dad shacab ah kala dageen laba gaari, xilli ay marayeen agagaarka deegaanka Halgan ee gobolkaasi.

Dadka shacabka ah ee ‘la afduubtay’ ayaa gaaraya illaa 20 ruux, kuwaas oo ku sii jeeday dhanka deegaanka Aboorey oo hoos yimaada degmada Buulo-burte ee gobolkaasi.

Nabadoon Maxamed Isxaaq oo ka mid ah waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa Idaacadda Shabelle u sheegay in qaar ka mid ah dadkaasi la dilay, kuwa kalena la dhaawacay.

Sidoo kale wuxuu baaq u diray HirShabelle iyo dowladda federaalka, isaga oo ka dalbaday inay wax ka qabtaan dhibaatooyinka ku soo laa laabtay gobolkaasi.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka gobolka iyo saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya oo ku aadan falkaasi.

Hiiraan ayaa waxaa haatan ka socdo howlgal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay ka qayb qaadanayaan dadka deegaanka oo kaashanaya ciidamada Xoogga dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here