Al-Shabaab oo maanta dagaal kula wareegtay deegaanka Deynuunaay

0

BAYDHABO (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal u dhexeeyey Al-Shabaab iyo ciidamada Koonfur Galbeed oo kaashanaya kuwa dowladda Soomaaliya oo maanta ka dhacay gudaha deegaanka Deynuunaay ee gobolka Baay.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii ay dagaalyahanada Al-Shabaab weerar ku qaadeen saldhig ku yaalla halkaasi, waxaana xigay dagaal toos ah.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka intii u socday la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, isla-markaana uu geystay khasaare xoogleh.

Al-Shabaab ayaa sheegatay in dagaalka kadib ay la wareegtay gacan ku heynta deegaanka Deynuunay oo hoostaga magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa daraawiishta Koonfur Galbeed oo ku aadaan weerarkaasi iyo dagaalka xigay.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo milatari laga dareemayaa duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here