Al-Shabaab oo qaraxyo ku burburisay garoonka Buulo-burte + Sawirro

0

BUULO-BURTE (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qaraxyo miino oo xalay Al-Shabaab ay ku burburisay garoonka diyaaradaha degmada Buulo-burte oo ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Qaraxyada oo ahaa kuwa xoogan ayaa waxaa saameyn ay ku yeesheen dhismaha garoonkaasi oo dhowaan uun lagu sameeyey dib u dayactir ballaaran.

Dhismaha garoonka ayaa gabi ahaan burburay, sida ay muujinayaan sawirro laga soo qaaday garoonka, kadib marka ay ka dhaceen qaraxyadaasi.

Sidoo kale waxaa ku dhintay qaraxyadan ugu yaraan hal qof, halka ay ku dhaawacmeen saddex kale, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ka howl-gala Buulo-burte ay haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan gudaha degmadaasi.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here