Al-Shabaab oo saaka weerar culus ku qaaday deegaanka Hilowle Gaab

0

RUUN-NIRGOOD (SMN) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay saaka Al-Shabaab ku qaaday deegaanka Hilowle Gaab oo hoostaga degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Weerarka ayaa waxaa xigay dagaaal toos ah oo u dhexeeyay xubnaha weerarka qaaday iyo ciidamada dowladda ee ku sugnaa saldhigga la weeraray.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu socday saacado badan, isla-markaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka lagu dilay saraakiil iyo askar ka tirsanaa ciidamada dowladda oo ku sugnaa deegaanka Hilowle Gaab ee gobolka Sh/ Dhexe.

Shabaab oo ka hadashay dagaalkan waxa ay shaacisay inay kula wareegtay deegaanka uu weerarka ka dhacay, isla-markaana ay galeen saldhigga ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dhankooda saraakiisha ciidamada Xoogga Dalka ayaa shaaca ka qaaday in ay iska difaaceen weerarka lagu soo qaaday, kadibna ay khasaare culus gaarsiiyeen Al-Shabaab.

Hilowle Gaab ayaa ka mid ah deegaanadii ugu dambeeyay ee lagala wareegay Al-Shabaab, waxaana saldhigyo ka sameystay ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here