Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qarixii ka dhacay magaalada Jowhar

0

JOWHAR (SMN) – Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qarax khasaare geystay oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad goboleedka HirShabelle.

Qoraal kasoo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxan ay ku dhaawaceen xildhibaanada kala ah Cumar Maxamed Cumar iyo Yuusuf Cabduqaadir Karaani oo ka tirsan baarlamaanka maamulkaasi.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen inay dhaawacyo gaarsiiyeen sarkaal ciidan iyo mid ka mid ah ergooyinka xildhibaannada kasoo xulay dhanka magaalada Jowhar.

Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraro gaadmo ah ka fulisa deegaanada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here