Al-Shabaab oo si nabdoon kula wareegay degmada Matabaan

0

MATABAAN (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in barqanimadii maanta degmada Matabaan ee gobolkaas ay la wareegeen xoogaga Al-Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa innoo sheegay inay si nabdoon dagaalyahanada Al-Shabaab ay kula wareegeen degmadaasi, kadib markii ay isaga baxeen ciidamadii ku sugnaa halkaasi.

Wararka ayaa sidoo kale  sheegaya in xoogaga Al-Shabaab ay gudaha u galeen saldhigyadii ciidamada iyo xarumihii maamulka ee ku yaalla degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana hakad-galay dhaq-dhaqaaqa guud ee magaaladaasi oo ay haatan howl-gallo ka wadaan xoogaga Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here