Al-Shabaab oo soo bandhigtay sarkaal ka tirsanaa Koonfur Galbeed oo isku dhiibay

0

Al-Shabaab ayaa sheegatay inuu isku dhiibay sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, sida ay ku baahisay baraha bulshada ee Internet-ka.

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa shaacisay, in Col. Mustaf Xasan Axmed oo ka goostay ciidamada Koonfur Galbeed uu isku dhiibay dhankooda, isla-markaana lagu soo dhoweeyay deegaanka Garasweyne ee gobolka Bakool.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa shaacisay in sarkaalkaasi uu ka carooday dhibaato ay sheegeen in ciidamada Itoobiya ay ku hayaan shacabka Koonfur Galbeed, sidaas darteedna uga goostay maamulkii uu ka tirsanaa.

Dhinaca kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha Koonfur Galbeed oo ku aadan sarkaalkaasi ay soo bandhigeen dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa weli ku xoogan gobollada Baay iyo Bakool, iyaga oo weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku yaalla gobolladaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here