Al-Shabaab oo war rasmi ah kasoo saartay ‘dilka’ Ikraan Tahliil Faarax

0

Xoogaga Al-Shabaab ayaa si cad u shaaciyay ineysan wax lug ah ku laheyn dilka Ikraan Tahliil Faarax oo ay Xalay hay’adda Nabadsugida Qaranka Soomaaliyeed sheegtay iney Al-shabaab dileen Ikraan Tahliil oo mudo laba bilood ah lagu weysanaa nolol iyo geeri horayna uga tirsaneyd hay’adda NISA.

Warkan ayey Al-Shabaab ku shaacisay baraha ay ku leeyihiin Internetka, waxayna sheegeen ineysan wax shaqo ah ku laheyn afduub iyo dil la sheegay iney u geysteen Ikraan Tahliil oo aheyd gabar ka tirsanaan jirtay NISA oo muddo laba bilood ah la weysanaa.

“Anagu waan beegsanaa madaxda iyo saraakiisha hay’adda sirdoonka ashahaadda ladirirka ah oo bartilmaameed ayey inoo yihiin waana sheegannaa dilkooda oo cid aan uga heebeysano ma jirto laakiin gabadhaas afduubkeeda iyo dilkeeda wax shaqo ah oo aan ku leenahay ma jirto” ayaa lagu yiri qoraalka Al-Shabaab ay ku shaaciyeen Internet-ka.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaasheegtay in NISA ay tahay hay’ad u shaqeysa gaalada oo markii horeba lagu dhibaateyn jiray shacabka Soomaaliyeed, haatana ay iyagii dhexdooda is beegsanayaan.

Hadalkan kasoo yeeray Al-Shabaab ayaa imaanaya xili hay’adda NISA Xalay ay shaacisay in Ikraan Tahliil ay gacanta u gashay Al-shabaab islamarkaana ay dileen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here