NAIROBI (SMN) – Ugu yaraan hal askari oo ka tirsan ciidamada Kenya ayaa lagu dilay degmada Lamu ee dalka Kenya, kaddib markii gaari uu la socdeen lagu weeraray qarax.
Militeriga Kenya ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in shan askari ay kaga dhaawacmeen weerarka midna uu ku dhintay.
“Ciidamada ayaa ku gudaha jiray roondo caadi ah deegaanka Mlima Faru ee Lamu, waxaana ay la kulmeen qarax miino xili ay shaqadooda qabsanayeen, ayaa lagu yiri qoraalka militeriga Kenya.
Wuxuu taliska Militeriga sheegay in kuwa xaaladoodu liidato lagu qaaday diyaarad si loogu dabiibo Isbitaal ku yaalla Nairobi, halka kuwa kalena la geeyay xarun caafimaada oo ku talla xero Ciidan.
Waa weerarkii 3-aad oo muddo toddobaad gudihiis ah ka dhacda Lamu, iyadoo ay ku dhinteen shan qof, oo askari ay ku jireen.
Kenya ayaa sanadkii 2015-kii bilowday dhismaha darbigan oo dhererkiisu dhan yahay 700 oo KM, si ay u hakiso weerarada Al-Shabaab ee uga yimaada dhinaca Soomaaliya.