Al-Shabaab oo weerar kale oo khasaare geystay ka fulisay dalka Kenya

0
NAIROBI (SMN) – Ugu yaraan laba qof ayaa 28-kii bishii December ay toogasho ku dileen rag looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin argagixisada Al-Shabaab kuwaas oo iska soo ekeysiiyay ciidamada Kenya oo jidgooyo sharci darro ah ka sameeyay deegaanka Witu ee gobolka Lamu.

Kooxdan burcadda ah ayaa sidoo kale gubay mooto, xilli ay baaritaan sharci darro ah ku sameeyeen ka hor inta aysan la kulmin ciidamada booliska.

Guddoomiyaha gobolka Coat John Ellungata ayaa sheegay in ay ciidamo badan geeyeen aagga gaar ahaan kaymaha ballaaran ee Boni Forest si ay u baacsadaan dableyda halkaas ka howlgasha.

Maqribnimadii Arbacada, gaari booliis ah ayaa ku sii jeeday deegaanka Mokowe, kaddib markii ay la kulmeen jidgooyo ay dhigeen ku dhawaad toban nin oo xirnaa dareyska howdka oo la mid ah kuwa ay isticmaalaan ciidamada Kenya.

Booliska ayaa sheegay in argagixisadu ay joojiyeen afar baabuur, ayna toogteen darawal gaari xamuul ah iyo wiil uu dhalay.

Kooxda burcada ah ayaa markii ay arkeen gaariga booliisku waxa ay fureen rasaas ku qasabtay dadkii saarnaa in ay gabaad ka dhigtaan duurka markii ay iska caabiyeen.

Kooxdu waxay raadisay xoojin markii ay la dagaalamayeen burcadda iyagoo dib ugu guranaya kaynta.

Nasasho ka dib, ayaa waxaa la ogaaday in halkaasi lagu haysto afar baabuur oo midi ay la socdeen laba Talyaani ah iyo mid kale oo ay saarnaayeen laba qof oo dhammaantood la soo badbaadiyey.

Meydadka darawalkii iyo wiil uu dhalay ayaa sidoo kale laga dhex helay gaarigii ay wateen oo haanta shidaalka ay rasaastu waxyeelo kasoo gaartay.

Booliisku waxay sheegeen in baabuur kale oo saloon ah laga helay jidgooyada balse aysan wadan dad saarna xilliga uu shilku dhacayay abaare 6-dii galabnimo.

Gaariga ay wateen ciidamada booliska ayaa waxyeelo kasoo gaartay israsaaseyntaasi. Kooxda burcadda ah ayaa u baxsaday dhanka keynta Boni.

Tani waxay muujineysaa in argagixisadu aysan dhaqdhaqaaqooda ka sameyn deegaanka iyadoo laga cabsi qabo weeraro kale.

Isniintii, laba qof ayaa rag hubeysan oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ku toogteen deegaanka Pandaguo ee gobolka Lamu.

Bilayska oo ka jawaabay dhacdadii maalinta Kirismaska ayaa sheegay in dhowr guri oo ku yaal agagaarka ay sidoo kale gubeen kooxihii weerarka soo qaaday.

Deegaankan ayaa ku dhow xadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya oo ay dhowr jeer oo hore weerarro ku qaadeen kooxo argagaxiso ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here