Al-Shabaab oo weerar khasaare geystay ka fulisay gudaha dalka Kenya

0

NAIROBI (SMN) – Ugu yaraan shan qof ayaa la dilay Axadii kadib markii dabley hubeysan ay weerar ku qaadeen laba tuulo oo ka tirsan degmada Lamu ee Koonfur Bari Kenya.

 

Ragga weerarka qaaday ayaa sidoo kale gubay guryo iyo hanti kale oo ay lahaayeen dadka deegaanka

Saraakiisha Booliiska dalka Kenya waxay dhacdada ku tilmaameen “Weerar Argagixiso” oo ay ku soo qaaday Al-shabaab.

Si kastana Lamu, ayaa ku dhow xudduudka Kenya ay la wadaagto Soomaaliya, waxaana inta badan ay xoogaga Al Shabaab weeraro ka geystaan degaankaasi, taasoo qeyb ka ah dadaallada lagu cadaadinayo Kenya inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, halkaasoo ay qeyb ka yihiin ciidamada nabad ilaalinta caalamiga ah ee difaacaya dowladda dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here