Al-Shabaab oo weerar khasaare geystay ka fulisay dalka Kenya

0

MUQDISHO (SMN) – Ugu yaraan lix qof ayaa lagu dilay weerar la aaminsan yahay in  Al-shabaab ay maanta ka geysatay gobolka xeebta ah ee Lamu ee dalka Kenya, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan dowladda Kenya.

Weerarkan ayaa sidoo kale lagu gubay guryo, sida ay qortay wakaaladda wararka ee AFP.

“Waxaan xaqiijinayaa in weerar lagu tuhmayo Al-Shabaab lagu soo qaaday halka loo yaqaano Widhuu, waxaana ku dhintay lix qof. Mid waa la toogtay, sidoo kale waxaa la gubay kuwa kale” ayuu yiri Guddoomiyaha Lamu Irungu Macharia.

“Ciidamadeenna amniga ayaa ku daba jira, waxaana ka codsaneynaa dadka deegaanka in ay gacan nagu siiyaan, waayo marka aan wada shaqeyno waan guuleysaneynaa” ayuu sii raaciyay.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa dhowr jeer weeraro ka geystay gudaha Kenya, iyagoo sida ay sheegeen uga aargudanaya ciidamada Kenya ay u soo dirtay gudaha Soomaaliya.

Lamu, oo ay ku yaallaan meelaha loo dalxiis tago ee caanka ah ee Jaziirada Lamu, ayaa ku dhow xadka Soomaaliya, waxaana ka dhaca weeraro joogto ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here