Al-Shabaab oo weerar madaafiic ah ku qaaday saldhigyo ku yaalla Buulo-Burte

0

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar madaafiic ah ku qaadeen saldhigyo ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti ay ku leeyihiin degmada Buulo-Burte.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegaya in hoobiyeyaasha qaarkood ay ku hoobteen gudaha saldhigyadaasi, balse ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi loo adeegsaday madaafiicda.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dhankooda ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti ay ku jawaabeen madaafiic, waxaana sidoo kale ciidamadu ay sameeyeen kadib weerarka howl-gallo ballaaran.

Xaaladda ayaa haatan ah, waxaana weerarkani uu kusoo aadaya, xilli Buulo-Burte ay ku sugan yihiin taliyaha ciidamada Xoogga dalka, madaxweyne ku xigeenka HirShabelle iyo mas’uuliyiin kale oo saacadihii lasoo dhaafay gaaray halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here