NAIROBI (SMN) – Wararka ka imaanaya dalka kenya ayaa sheegaya in weerar dhimasho sababay uu ka dhacay xadka ay wadaagan Kenya iyo Soomaaliya
Afar ka mid ah shaqaalaha hay’adda waddooyinka Kenya ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo ay fuliyeen kooxo looga shakisan Al-Shabaab meel u dhow xuduudka bari ee dalkaasi uu la wadaago Soomaaliya, sida ay booliisku sheegeen.
Shaqaalahan oo watay kolonyo saddex baabuur ah oo ka ambabaxay magaalada Gaarisa kuna sii jeeday magaalada Bura ayaa haleelay walxaha qarxa oo wadada lagu aasay oo ay fuliyeen xubno katirsan Al-Shabaab.
“Gaari ay la socdeen afar ka mid ah shaqaalaha hay’adda waddooyinka Kenya ayaa lagu weeraray qarax miino, dhammaan afarta qof ayaa isla goobta ku dhintay,” ayuu yiri John Otieno oo ah sarkaal katirsan dowlada Kenya.
Al Shabaab ayaa 166 qof ku dishay Jaamacadda Gaarisa sanadkii 2015-kii, halka 67 kalena ay ku dileen suuq ganacsi oo ku yaala magaalada Nairobi sanadkii 2013-kii, balse weerarada iyo weerarada ay kooxdu ka geysaneyso Kenya ayaa sanadihii u dambeeyay hoos u dhacay.
Al-shabab ayaa inta badan weeraro geysta khasaro iskugu jira dhiamsho iyo dhaawac ka geysta xadka ay wadaagaan soomaaliya iyo Kenya