Al-Shabaab oo weeraro khasaare geystay ka fulisay duleedka degmada Mandheera

0

MANDHEERA (SMN) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weeraro ay xoogaga Al-Shabaab xalay ka fuliyeen duleedka magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari, Kenya.

Weerarka koowaad ayaa ka dhacay deegaanka llile oo hoostaga degmada Ceel-qaalow ee magaalada Mandheera, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Sidoo kale weerarka kadib waxaa xigay dagaal toos ah oo dhex-maray ciidamada ammaanka iyo raggii weerarka qaaday.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaasi ku dhaawacmay ugu yaraan illaa 6 askari oo ka tirsan ciidamada Kenya ee ku sugnaa deegaanka la weeraray.

Sidoo kale weerarka labaad ayaa ka dhacay deegaanka Waraabeeyo oo isna hoostaga magaalada Mandheera, waxaana Al-Shabaab ay ku ekeeyeen xarun ay dowladda Kenya ugu tala gashay inay ka dhacdo doorashada maanta ka bilaabatay gudaha wadankaasi.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkaasi, balse waxaa la soo wariyey in burbur xoogan uu soo gaaray xarunta la weeraray ee doorashada loogu tala-galay.

Inta badan xoogaga Al-Shabaab ayaa weeraro khasaare geysta ka fulisa gudaha dalka Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari oo xuduud dheer la leh Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here