Al-Shabaab oo weerartay saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada Liyuu Boolis

0

JIGJIGA (SMN) – Wararka naga soo gaaraya xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa sheegaya in dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay deegaano u dhow xadka labada wadan dagaal kula galeen ciidamada Liyuu Boolis ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa weeraray saddex goobood oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowlad deegaanka, ayada oo hubka noocyadiisa kala duwan la’isku adeegsaday

Deegaannada ay weerarada ka dhaceen ayaa waxaa ka mid ah Washaaqa Qooxle & Tuulada Siifaan oo ka tirsan gobolka Bakool ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya..

Saraakiisha ciidamada Liyuu Boolis wali kama aysan hadlin dagaalkaas, balse dadka deegaannada la weeraray ay sheegay in dagaalka lagu gubay gawaari, sidoo kalena madaafiic la’isku adeegsaday

Ciidamada Liyuu Booliska ayaa wada howlgallo ballaaran oo lagu xaqiijinayo ammaanka, laguna baadi goobayo raggii weerarka ku qaaday dhulka dowlad deegaanka Soomaalida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here